Southeast Michigan
Haddaad ku hadasho Soomaali, adeegyo kaalmada luuqadda ah oo bilaash ah ayaad heli kartaa. Qalab caawinaad iyo adeegyo oo habboon si loogu bixiyo macluumaadka qaabab la adeegsan karo ayaa sidoo kale bilaa lacag heli karaa. Wac 844.359.1607 (TTY 711) ama la hadal bixiyahaaga.
Corewell Health waa nidaam daryeel caafimaad oo leh goobo badan iyo hal yool: ka dhigista caafimaadka mid wanaagsan. Bulshooyinka aan u adeegno ee ku sugan guud ahaan gobolka Michigan, waxaan ku raad joognaa habab wanaagsan oo wax looga qabto caqabadaha caafimaadka. Sababtoo ah dadku marka ay caafimaad qabaan, waxay u noolaadaan si wanaagsan. Isticmaal boggan si aad ugu xirnaato kheyraadka aad u baahan tahay si aad u hesho nolosha ugu caafimaadka badan.
Fadlan la soco in gujo-raacyada aad ka gasho boggan ay ku qoran yihiin af Ingiriis taas oo ku xidhan salxidhka luuqadda baraawsarkaaga.
Xaaladaha degdega ah ee nafta halis gelinaya, had iyo jeer wac 911 ama u tag waaxda gargaarka degdega ah.
Xanuunada yaryar
Xaaladaha caafimaad ee socda
Dhaawacyada aan nafta halis gelin karin
Dhaawacyada nolosha halis gelinaya
Haddii aad raadinayso daryeel guud si aad u dareento fiicnaan ama daryeel takhasus oo u baahan koox caafimaad oo gaar ah, waxaan halkan u joognaa inaan kaa caawino inaad qaaddo tallaabada xigta.
Haddii aad u baahan tahay caawimaad dheeraad ah si aad u hesho daryeelka aad u baahan tahay, waqtiga aad u baahan tahay, adigoo la kaashanaya dadka iyo khibradda saxda ah ee ku habboon, nala soo xiriir adoo isticmaalaya mid ka mid ah lambarrada hoose:
Waxaa naga go'an inaan qof walba siino daryeel loo dhan yahay. Wax ka ogow siyaasadeena ka dhanka ah takoor, caawimaad luuqadeed oo bilaash ah, qalabka iyo adeegyada kaalmada, iyo sida cabashada loo gudbiyo.

Dhammaanteen waxaan xaq u leenahay inaan daryeel ka helno qof aan ku kalsoonaan karno oo si wanaagsan ula xiriiri karno. U raadso caawimaad sidii aad u heli lahayd bixiye caafimaad oo jooga aaggaaga.
Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu u baahan yahay caawimaad luuqadeed, turjubaano caafimaad oo aqoon leh ayaa lagu heli karaa si lacag la'aan ah.
Si aad u codsato turjumaan kahor ballantaada, si toos ah ula xiriir rugtaada caafimaad ama isbitaalka, ama wac 844.359.1607 (TTY 711).

Lacag la'aantu ma aha inay caqabad ku noqoto helitaanka daryeelka aad u baahan tahay. Si aad u aragto inaad u qalanto kaalmada maaliyadeed ama aad ugala hadasho ikhtiyaarka lacag-bixinta la-taliyaha maaliyadeed, wac 844.838.3115.
App-kayaga MyChart wuxuu kaa caawinayaa inaad maarayso caafimaadkaaga adigoo isticmaalaya kombuyuutarkaaga ama telefoonkaaga casriga ah.

